Muxamed Casiis, Khaliil Islam oo la siinayo $36 milyan

230

Gobolka iyo magaalada New York ayaa bixinaya lacag magdhow ah oo gaadhaysa illaa $36 milyan oo dollar, iyada oo la siinayo laba nin oo si khalad ah loogu xukumay inay dileen Malcolm X oo ahaa halyey u dhaqdhaqaaqa xuquuqda madaniga ah, kaas oo la dilay sannadkii 1965-kii. Ka dib markii dib loo eegay kiiskooda ayaa sannaadkii hore waxaa la caddeeyey inaanay ku lug lahayn dembiga loo xidhay.

Magaalada New York ayaa bixinaysa $26 milyan, halka gobolka New York uu isaguna bixin doono $10 milyan sida uu sheegay David Shanies oo ah qareenka u doodaya labadan nin.

Labada nin oo lagu kala magcaabo Muxammad Aziz iyo Khalil Islam ayaa mar walba waxay ku adkaysan jireen inaanay wax dembiya gelin, hase ahaatee cidina dheg jalaq uma siin.

Muxammad Aziz oo da’diisu ahayd 84 jir ayaa geeriyooday sannadkii 2009.

Garsooraha dib u eegay kiiskooda ayaa meesha ka saaray xukunnadii hore ee raggan lagu soo oogay, ka dib markii uu helay caddaymo cusub oo muujinaya inay jirtay cago juglayn loo geystay qaar ka mida markhaatiyadii, iyo inaan si hufan loosoo bandhigin caddaymihii la hayey, intii ay socotay maxkamadayntu.

Nimankan ayaa tobanaan sano xabsiga ku qaatay, iyada oo la sii daayey 1980-meeyadii.