Xildhibaano loo dhaariyay Baarlamaanka Africa+SAWIRRO

302

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo dhaariyay ka mid noqoshada Pan African Parliament.

Xildhibaanadaan ayaana ku meteli doona Pan African Parliament baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS Mudane Shiekh Aadan Maxamed Nuur (madoobe) ayaa dhawaan umagaacabay xildhibaanadaan in baarlamaanka wakiil uga noqdaan Pan African Parliament.

Xubnaha Golaha Shacabka BJFS ee loo dhaariyay Pan African Parliament oo ah 4 Xildhibaan, ayaa saddex kamid ah yihiin xubno aad ugu dhow Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud, halka Aadan Saransoor oo xubnahan kamid ah uu ka socdo dhan Guddoomiye Aadan Madoobe.