Tan iyo intii xilka qabtay Madaxweyna Maxamed C/llaahi Farmaajo laba sanadood ka hor wuxuu talada ku yimid olole wadaniyad la huwiyey, isagoo isu muujiyey nin ka horjeeda faragelinta lagu hayo Soomaaliya.
Waxaa mar kaliya isbedelay aragtidaasi markii uu dhacay kiiskii ugu horeeyay ee dowladda Soomaaliya ay Itoobiya u gacan gelisay sarkaalkii ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax), wixii ka danbeeyayna waxaa meesha ka baxday qodobkii ugu weynaa ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo.
Muddooyinkii ugu danbeeyay waxaa shaki dhaliyey sida Madaxweyne Farmaajo ugu dhowaaday Itoobiya, waxaana weli la kala caddeyn xiriirka mugdiga badan ku jiro ee Farmaajo la galay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea.
Tallaabooyinka Madaxweyne Farmaajo dowladdiisa ku dhaqaaqday waxaa caddeyn u ah in Soomaalida aanay aamin ku qabin oo ay dooneyso inay dalka u gacan geliso aqoonyahanno ajnabi ah ama reer Galbeed ah.
Dowladda madaxweyne Farmaajo hoggaamiyo waxay qandaraas la gashay shirkadda Park Strategies ee uu leeyahay ninka lagu magacaabo Alfonse Marcello D’Amato oo ah qareen iyo siyaasi, horay u soo noqday Senator, waxaa shirkaddiisa dhaqaale lagu siiyay si ay galaangal ugu sameyso dowladda Soomaaliya, ugana gado Maamulka Madaxweyne Trump, waxayna arrintaasi dhacday, iyadoo aanu Soomaaliya wax safiir ah u joogin Washington.
Mar kale waxay dowladda Somalia isku dayeysaa in mid ka mida hay’adaha Qaranka oo ah Bankiga Dhexe ay u dhiibto nin Ajnabi ah oo ka soo jeeda dalka UK, iyadoo aan dadka u sharxin sababta loogu baahday ajnabi ayey haddana dooneysaa in la bedelo sharciga Bankiga Dhexe.
Taageerayaasha Farmaajo ayaa isku dayaya inay arrintan ku riixaan Ra’iisal Wasaaraha, sidii ay hore ugu doodeen inuusan ogeyn dhiibistii Qalbi-dhagax oo noqotay dood dib ugu soo laabatay oo madaxweyne Farmaajo ka dhigtay mid aan waxba kala socon dalka uu madaxweynaha u yahay.