Neymar “Waxaan Ka Murugoonayaa In Aanan Wajiga Ka Feedhin”+VIDEO

1785

Xiddiga reer Brazil ee Neymar ayaa ka qoomamoonaya in aanu samaynin ‘falkii saxda ahaa’ oo ah inuu wajiga ka feedho difaaca kooxda Marseille oo uu ku eedeeyey inuu kula kacay cunsuriyad intii uu socday qaskii ka dhashay ciyaartii PSG iyo Marseille ee daqiiqadihii ugu dambeeyey ay ciyaartoydu gacanta iskula tageen.

Shan ciyaartoy oo labada kooxood ah ayaa garoonka laga saaray iyagoo la siiyey kaadh cas daqiiqaddii 95aad, markaas oo ay ciyaartoydu gacmaha iskula tageen, waxaana saddex ka mid ah ciyaartoyda casaanka qaadatay ay ka tirsanaayeen PSG oo lagaga badiyey 1-0.

Layvin Kurzawa, Paredes iyo Neymar ayaa PSG laga saaray, halka Marseille kaadhka cas looga taagay Jordan Amavi iyo Dario Benedetto, waxaana kulankan oo ka dhacay garoonka Paris Saint-Germain ee Parc des Prince uu kusoo dhamaaday fadeexad uu garsooraha ciyaartu maamuli kari waayey ciyaartoyda daqiiqadihii ugu dambeeyey.
Neymar ayaa casaanka lagu siiyey markii uu dhirbaaxay difaaca reer Spain ee Gonzales oo uu ku eedeeyey inuu cunsuriyad kula kacay, waxaana dhamaadkii ciyaarta uu bartiisa bulshada ku daabacay in ‘arrinta kaliya ee uu ka qoomamoonayo’ ay tahay in aanu wajiga ka feedhin Gonzalez.

“Qoomamada kaliya ee i haysa, waa in aanan wajiga ka feedhin nacaskaa.” Ayuu Neymar kusoo qoray bartiisa Twitterka.

Xiddiga reer Brazil waxa kale oo uu tilmaamay in Gonzalez uu si aan wanaagsanayn ula dhaqmayay intii ay socotay ciyaartu.

PSG ayaa guul-darradan kasoo gaadhay Marseille waxa loo geliyey taariikhda, sababtoo ah, waa markii labaad oo xidhiidh ah ee kulankan dagaalka ah lagaga badiyo tan iyo xili ciyaareedkii 1984-85kii.

Dhinaca kale, tababaraha Marseille ee Andre Villas-Boas ayaa ku eedeeyey Angel di Maria inuu candhuuf ku tufay mid ka mid ah ciyaartoydiisa intii ay rabshaddu socotay, laakiin aan wax kaadh ah lagu siinin.