Nin Dhaawac ahaa oo lagu dhax dilay Isbitaalka Keesaney

1775

Ciidamo hubeesan ayaa gudaha Isbitaalka Keesaney ee magaalada Muqdisho waxa ay ku dhax dileen nin dhaawac ahaan Isbitaalka loo geeyay , waxaana dilkaasi dhaliyay xiisad xoogan.

Sida aan Wararka ku heleyno nin kusoo dhaawacmay iska hor imaad ka dhacay Xaafada Ceelka Cali Geedi ayaa la geeyay isbitaalka Keesaney, waxaana ninkaasi oo saarnaa saalada qaliinka toogtay kooxo hubeesan oo xoog kusoo galay Isbitaalka.

Kooxaha hubeesan ayaa la sheegay in saalada Qaliinka korkeeda ku dhameestireen ninka dhaawaca ahaa , waxaana raga dilka geestay goobta isaga baxsadeen markii ay hubsadeen in ay ninka ay doonayeen dileen.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada hubeesan ee dilka geestay iyo ilaalada Isbitaalka uu dhax maray iska hor imaad kooban, waxaana gudaha Isbitaalka laga dareemay xaalad kacsanaan ah.

Ciidamo iyo saraakiil katirsan booliiska Soomaaliya ayaa gaaray isbitaalka Keesaney ee dilku ka dhacay, waxa ayna wadaan baaritaano ku aadan ciidanka hubeesan ee dilkaasi fuliyay iyo waxa ay ahaayeen.

Dilka ka dhacay isbitaalka Keesaney ayaa lagu soo waramayaa in uu salka ku hayo aano iyo iska hor imaadka ka dhacay Xaafada katirsan degmada Kaaraan, waana markii ugu horeesay Isbitaal gudihiisa wax lagu dilo sanadihii ugu dambeeyay Muqdisho.