Xisbiyada siyaasada somaliland oo ku kala kacay kulmo usocday +VIDEO

1744

Xisbiyadda Siyaasadda Somaliland ayaa kulan ay isugu yimaaddeen ku kala kacay, kadib markii ay isla keenni waayeen aragtiyihii ay kala siteen.

Fadhigooddii maanta oo arbaca ah waxa ay ka dooddeen qoddobka ku saabsan guddiga doorashooyinka Somaliland in la kordhiyo oo Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID uu soo jeeddiyay, halka Xisbiga WADDANI uu isagunna soo jeeddiyay in la kala diro dhammaan-ba Xubnaha guddiga doorashooyinka, halka uu Xisbiga talada haya ee KULMIYE-nna uu ku raacay Xisbiga UCID in laba Xubnood lagu daro Xubnaha hadda jooga ee Koomishanka doorashooyinka qaranka.

Kulanka ay isugu yimaaddeen Saddexda Xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI oo dhawr saacaddood socday, ayaa la isku mari waayay aragtiyihii ay Xisbiyaddu kala taagnaayeen, waxaannay u muuqataa inuu burburay fadhiyaddii wada-xaajoodka ee Xisbiyadda Siyaasadda u socday, hase yeeshee waxa la eeggayaa go’aannadoodda u danbeeyaa waxa uu noqdo.