Nin isku ekeeysiiyay Dumar oo laxiray

146

Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga degmada Xamar-weyne ayaa soo xiray eedeysane Axmed Suudi Macoow Deeyow 30 jir ah.

Ninkaan ayaa ku eedeysan in uu ku kacay falal liddi ku ah dhaqan Suuban ee Soomaaliyeed, sidoo kalana ‘dooriyay jirkiisa.’

Waxaa ku socota baarista Booliiska, waxaana la horgey doonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa lagu yiri qoraalkan kasoo baxay Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Banaadir.

Ninkaan oo lagu soo sawiray loogada booliska ayaa xiraa Diraca dumarku xirtaan, waxaana u deysan timaha sidii dumarka.

Sidoo kale Axmed Suudi Macoow Deeyow waxaa laga dheehan karaa astaamaha ay ku eedeeyeen booliska, markii la eego muuqaalkiisa, lama yaqaan sababta ku kaliftay inuu xirto diraca dumarku xirto oo lagu soo sawiray.

Booliska Soomaaliya ayaa wada la dagaalan xooggan oo ku saabsan dhaqan dooriska iyo dadka wada, waxaana xabsiga la dhigay dad badan oo eedeysanayaal ah bilihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale dadka la xiray maalmihii iyo bilihii lasoo dhaafay waxaa ku jirta dhamaan dhalinyaradii Muqdisho ee baraha bulshada ku baahi jirta dhaqamada aysan jecleysan dadka muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa ka furan dacwada dhalinyaradii lasoo xiray, waxaana maalmaha soo socda lasoo gabagabeynayaa dacwadda qaar ka mid ah dadka xiran oo u badan gabdho caan ka ah barta TikTok.