Ninkii gubay xaaskiisa oo la horgeeyay maxkamadda

231

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sheegay in maaanta Maxkamadda Gobolka Banaadir la horgeeyay eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Luul Cabdicasiis Maxamed.

Warqad kasoo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa waxaa lagu sheegay in ninkan oo ay muddo ku raad-joogeen laamaha amniga, maanta ay bilaabatay dacwaddiisa.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta Maxkamad horgeeyay eedaysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku eedaysan in uu xaaskiisii oo xaamilo ah nolosha ku gubay, kaas oo muddi baxsad ka ahaa hay’adaha amniga oo ku daba jiray” ayaa lagu yiri.

Sidoo kale wuxuu xafiiska xeer ilaalinta ballan qaaday in la dadaji doono kiiskan, si ay cadaalad u hesho dhibane marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

“Xafiisku wuxuu bilaabi doonaan maxkamadaynta eedaysanaha, sida ugu degdegga badan” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Shalay ayaa eedeysanaha waxaa soo wareejisay hay’adda NISA oo ninkan kasoo qabatay gobollada dhexe, waxaana kadib loo gacan geliyay booliska, si loo maxkamadeeyo.