Ninkii sameeyay hubka Nuclearka Pakistan oo geeriyooday

1181

Dr. Cabdulqaadir Khan oo ahaa maskaxdii ka dambeysay sameynta Hubka Nuclearka ee dalka Pakistan ayaa ku geeriyooday caasimadda dalkaasi ee Islamabad.

Telefishinka Qaranka Pakistan ayaa sheegay in Dr. Cabdulqaadir Khan uu u geeriyooday xanuuno ka haleelay Sambabada.

RW Pakistan,  Imran Khan oo ka tacsiyadeeyey geeridiisa ayaa sheegay inay Dr. C/qaadir Khan uu ahaa halyey qaran, uuna door muhiim ah ka qaatay sidii uu dalka Pakistan u noqon lahaa dal haysta Hubka Nukliyeerka.

Warbaainta dalkaas ayaa sheegtay in marxuumka lagu aasi doono Masjidka Jaamaca ee Faisal Mosque oo ku yaalla magaalladda Islamabad.