Ninkii weeraray kaniisad ku taalla Faransiiska oo la shaaciyey sawiradiisa

2317

Ninkii ku toorriyeey 3-da qof ilaa inta ay ka dhinteen kaniisad ku taal dalka faransiiska ayaa la sheegay inuu ka yimid maalmo ka hor dalka Tunisia ee ku yaalla woqooyiga Afrika

Brahim Aouissaoui ah oo 21-jir ah ayaa watay Dukumenti Laanqeyrta Cas ee Talyaanigu oo la siiyey ka dib markii uu Doon Tahriibayaal ku yimid Jesiiradda Lampedusa ee Talyaaniga bishii la soo dhaafay. Waxaa toogasho ku dhaawacay booliska, xaalad halis ah ayuuna hadda ku jiraa.

Mid ka mid ah 3da qof ee lagu dilay weerarkii Khamiistii ka dhacay Notre-Dame basilica ee magaalada Nice ayuu ninkani gebi ahaanba qoorta ka gooyay.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaana ku tilmaamay falkan weerar argagixiso oo ay fuliyeen koox islaamiyiin xagjir ah.

Wuxuu sheegay in tirada askarta loo daad gureynayo inay ilaaliyaan goobaha ay bulshada isugu timaado – sida kaniisadaha iyo iskuulada – inay ka kici doonaan 3,000 ilaa 7,000. Dacwad oogayaasha la dagaalanka argagaxisada ayaa furay baaritaan, Faransiiska ayaa sare u qaaday heeganka amniga qaranka ilaa iyo heerka ugu sarreeya.

Weerar kan la mid ah ayaa horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaal waqooyiga-galbeed ee magaalada Paris. Samuel Paty oo ah macalin, ayaa qoorta laga jaray maalmo ka dib markii qaar ka mid ah ardaydiisa uu tusay kartoon sawirka nabi Muxamed NNKH uu ku sheegay.