NISA oo $30,000 ku baadi goobeysa xubin ka tirsan Al shabaab

17

Hay’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA, ayaa war qoraal ah oo ah soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay si weyn ugu raad-joogaan Horjooge ka tirsan Kooxda Al shabaab kaa oo lagu magacaabo Yuusuf Maxamed Xuseen, oo loo yaqaan Jeeri-Carab, kaas oo ka tirsan xafiiska qaraxyada ee Al shabaab.

Shaqsigaan ay NISA baadi goobeyso waxa ay sheegtay inuu mas’uul uga ahaa Al shabaab qaraxyada, sahminta goobaha bartilmaameedka ah iyo weerarada ismiidaaminta ah ee ay Al shabaab ka fulin jireen Gobolka Banaadir.

Qoraalka NISA ayaa lagu cadeeyay jn Jeeri-Carab, uu ka soo qeyb qaatay weerarro argagixiso oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaraxyadii ka dhacay Villa Rosa, Aqalka Dowladda Hoose, Pearl Beach, SYL Hotel, Beach View iyo weeraradii ka dhacay maqaayadaha Sayidka, Jawi Coffee, Blue Sky, Top Coffee iyo School Polizio.

Hay’adda Nabad sugida Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Ciidanka NISA ay kusoo dhigeen Inta badan dhagar- qabeyaashii la shaqeynayay Jeeri-Carab, gaadiidkii ay adeegsan jireen iyo xubno ka mid ah qoyskiisa oo weli si dhaw ula socda dhaq-dhaqaaqa Shaqsigaan isaga oo maalmihii ugu dambeeyay ku dhuumaaleysanayay nawaaxiga deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyntii qoraalka NISA waxaa loogu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed hadii ay jirto cid macluumaad ka haysa inay xogta la wadaagi karto Hay’adaha amniga, sidoo kalana ku guuleyso abaalmarin lacageed oo gaareysa Soddon kun oo doolar ($30,000).