Norwich Oo Arsenal Qoorta U Soo Surtay Bar-bar Dhac Xilli Qaladaad Dhanka Daafaca Ah Ay Hareeyeen

1615

Norwich City ayaa Arsenal nasiinada ugu dirtay 2/1 waxa uuna kulankaan ahaa mid ka tirsan horyaalka Ingiriiska xilli wiilasha ka socday waqooyiga London ay ka sheegteen qaladaad dhanka daafaca ah .

Biloowgii labada koox ayaa ciyaarta ku bilaabay qaab deg deg ah balse ma jirrin halis gillin muuqata xilli Arsenal dadaal ugu jireen in kubadda gaarsiiyaan shabaqa Norwich balse waxa ay u nuglaayeen in lagu dillo kubadaha rogaal celiska ah.

Daqiiqaddii 21-aad ayay Norwich City waxa ay Arsenal ku heshay gool uu ka muuqdo qalad weyn oo dhanka daafaca ah waliba waxa uu ahaa mid rogaal celis ah.

Ka dib goolkaas Arsenal waxa ay wadeen dhaq-dhaqaaq ay ku tagayeen aagga goosha Norwich illaa ugu dambeyntii loo dhigay rigoore waxaa laaday oo laga qabtay Pierre-Emerick Aubameyang balse wuu ku sii celiyay daqiiqaddii 29-aad kuna hubsaday shabaqa.

Norway aad ayay isu difacaayeen waxa ayna ku tiirsanaayeen kaliya kubadaha rogaal celiska ah waxa ayna daqiiqaddii 45-aad ku keeneen gool labaad waxaana qaladkaas lahaa Luiz iyo Mustafi .

Guud ahaan Arsenal waxa ay si weyn uga sheeganeysay dhanka daafaca , waxa ayna Norwich City siinayeen masaaxo ay ku jiidan kubadda rogaal celiska ah xilli Ozil maqane jooge ahaa kulankaan

Soo laabashadi , Arsenal cadaadis ayay ku bilaabeen goolka bar bar dhaca ayayna waqti hore doonayeen ilaa ay keeneen waxaan kubad koorno ka timid gool u turjumay Pierre-Emerick Aubameyang daqiiqaddii 57-aad.

Arsenal sida muuqato waxa ay dhib ku qabeen kubadaha rogaal celiska ah ee deg deg ah waxa ayna Norwich daqiiqaddii 59-aad ku sigteen gool balse waxaa si dirqi ah u bad baadiyay goolhayaha Arsenal ka dibna birta ayay ku dhacday xilli xiddiga Norwich uu waji ka waji u hor tagay goolhayaha Arsenal .

Ka dib goolkaas , Arsenal iyaga ayaa kubadda ku badnaa balse Norwich mararka qaar halis ayay ahaayeen waxaana jiray kubaddo goosha ku socday oo uu bad baadiyay gool ilaaliyaha Arsenal waxaana ugu darneyd daqiiqaddii 67-aad, xilli Arsenal daqiiqaddii 70-aad dhaawac loo badalay Joe Willock iyadoo la soo giliyay Lucas Torreira.

Dhamaadkii isku ayay u degtay ciyaarta waa ayan u furneytd labada koox , waxa ayna Arsenal daqiiqadii 78-aad soo giliyeen Bukayo Saka oo loo saaray Matteo Guendouzi xili United daqiiqadii 81-aad uu fursad xaqiiq ahaa ka bad baadiyay goolhayaha Norwich

Dhamaadkii Norwich waxaa ka muuqday rabitaan fog oo gool ah wax aayan u dhawaanayeen aagga goosah Arsenal xilli Ozil la saaray daqiiqaddii 89-aad waxaana lagu badalay Gabriel Martinelli.

Si waliba Arsenal waxaa bad baadinayay goolhayaha , waxa uuna daqiiqaddii 90-aad sameeyay bad baadis halis ah waxaana daqiiqadihii geerida aad u wacnaa Nowrich balse waxa ay ciyaarta ku dhamaatay 2/2, waxaana kulankaan ahaa kii ugu horeeyay ee uu  Ljungberg hogaamiyo Arsenal isaga oo si ku meel u haya kooxda ka dib markii la eriyay macalinkii hore