ONLF oo si adag ugu jawaabtay taliyaha militariga Itoobiya

88

Ururka ONLF ayaa ka jawaabtay hadal la sheegay in uu ka soo yeeray taliyaha militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula.

Bayaan ay soo saartay ayay ku sheegtay in ay dowladda Itoobiya uga fadhiyaan in ay faahfaahin ka bixiso islamarkaana ay kala caddeyso hadalka taliyaha.

Afhayeenka ONLF oo BBC la hadlay ayaa sheegay in arrintan ay la yaab ku noqotay islamarkaana aan al aqbali karin.

Cabdulqaadir Xassan Hirmooge (Caddaani) ayaa farta ku fiiqay in ONLF ay hadalkaas u aragto daandaansi.

Wax yaab ah ayay noqotay oo nagu cusub, in lugaha geedaha lagu marmaro oo xoogag Itoobiya ay col yihiin lagu tilmaamo inay naga dambeeyeen arrimahaas daandaansi ayaan u aragnaa”

Hadalka ONLF ayaa daba socday hadal la sheegay inuu dhawaan jeediyay taliyaha guud ee militariga dalka Itoobiya Birhanu Jula.

Codka la sheegay inuu yahay kan Birhanu oo dhowaan laga sii daayay mid ka mid ah warbaahinta gudaha Itoobiya, ayaa wuxuu ku sheegay in Masar ay tahay cadawga taariikhiga ah ee Itoobiya, islamarkana ay abuurtay jabhado ka dhan dowladda Itoobiya, ayna ka mid tahay ONLF. Balse dowladda Itoobiya iyo ciidamadaba ma aysan xaqiijin.

 

Afhayeenka ayaa dhankiisa sheegay in horey ay Itoobiya heshiis ula galeen islamarkaana ay nabadda qaateen taasina ay tahay siyasaddooda qeexan ee cad.

Annaga waad ogeyd lix sano ka hor ayaan heshiis nabad-galyo qaadannay si nabad ah ayaan dhulkeena uga halgameynay, deegaanka ugu nabadsan ayuu dalkeenu ahaa wlina yahay nabad istaraatiji ah ayaanu qaadannay in halgankeennu uu nabad ku socdo dadkeenuna ay ka faa’iideystaan markaas ONLF aragtideeda siyaasigaha ma qariso oo way cadeysay inay jidkaa nabadda hayso,” ayuu intaa ku daray.

Mr Caddaani ayaa carrabka ku adkeeyay in ONLF ay imika tahya xisbi siyaasi ah oo shaci ah islamarkaana aan waligood lagu eedeyn in ay shisheeye ka dambeeyaan.

Xisbi siyaasi ah oo sharci ah ayaa nahay, xisbi siyaasi ah oo wadanka ka jiro weeye, xisbi siyaasi ah oo nabad qaatay weeye, ONLF cid madax-adeeg ku sheegto waa laga yaabaa inay jirto laakiin inay cid kale ku ladhan tahay ama ka dambeyso ama ku adeegato waligeed cadowgeeda iyo naasixeeda midna kama soo yeerin,” ayuu yiri Mr Caddaani.

Afhayeenka ONLF ayaa xusay in Itoobiya ay ka sugayaan labo jawaabood midkood oo ah in ay cadeeyaan in hadalkaas ay si ula kac ah u yiraahdeen ama ay ka cudur daartaan.

War jiraaba cakaaruhu iman wixii ka soo baxa waan arki doonnaa, waxaan ka fileynaa inay caddeeyaan mowqifkooda oo ay dhahaan waan idinla qasadnay ama ay dhahaan arrintaasi khalad ayay ahayd marka iyagay u taallaa jawaabta ay ka bixinayaan” ayuu intaa raaciyay.

Dhanka kale ONLF ayaa sheegtay in heshiiskii ay Itoobiya la galeen ay ka fushay boqolkiiba 20 islamarkana uusan wada hirgalin.

Boqolkiiba 10 ama 20 ayaa ka fushay sida in xabbad-joojin ay dhacday oo ah dagaalkii Itoobiya iyo ONLF u dhaxeeyay oo si nabad ah aan u dhaqdhaqaaqno laakiin dhibaatada asalka ahayd ee ah inaan dareemeyno gumeysi inaan dareemeyno gacan-bidxeyn inaanu xasuuq soo marnay inaanu mag-dhaw ku leennahay Itoobiya inaanu ictiraaf ku leennahay dambiyadii ay naga gashay arrimahaasi oo dhan xal laga gaarin” ayuu yiri Mr Caddaani.

Sanadkii 2018 ayay ahyad markii ay ONLF iyo dowladda Itoobiya heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Casmara ee xarunta dalka Ertreya.

Qodobka ugu weyn wuxuu ahaa xabbad joojin, taasoo ay ONLF dhankeeda ku dhawaaqday , Itoobiyana ay sidaa kaga saartay “Liiska ururrada argagixisada ah”.

ONLF waxay mudo dheer ku jirtay halgan ay ku doonaysay in ay ku xoreyso deegaanada Soomaalida Itoobiya, marxalado kala duwan ayuu halgankii hubaysnaa ee ONLF soo maray.

Waxey dagaalo la galeen ciidamadii dalkaasi Ethiopia ee hoos tagayay maamuladii kala duwanaa ee soo xukumayay dalkaasi.

Isha: BBC