Origi Oo Isku Qoray Taariikhda Champions League

1649

Kooxda Liverpool ayaa ku guulaystay champions League xilli ciyaareedkan kadib markii ay guul 2/0 ah kaga gaadhay kooxda Tottenham kulan ka dhacay garoonka Atletico Madrid ee Estadio Wanda Metropolitano.

Reds ayaa markii 6-aad ku guulastay taarkhdeeda koobka champions League kadib markii ay Mohamed Salah iyo Divock Origi u dhaliyeen labada gool ee ay ku guulaystay.

Weeraryahanka Divock Origi ayaa kaydka kala soo kacay goolka uu ciyaarta ku dilay isaga oo dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay kuna soo afjaray rajadii ay Tottenham ka qabtay in ay keento goolka bar-baraha.

Kadib goolkaas Xiddiga reer Belguim ee Divock Origi ayaa noqday xiddigii 5-aad ee badal ah ee gool dhaliya Finalka tartanka champions league taariikhdiisa.

Halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha Finalka champions League dhaliyay Kadib markii ay kaydka ka soo keceen:

✨ Marcelo (2014)

✨ Carrasco (2016)

✨ Asensio (2017)

✨ Bale (2018)

✨ ORIGI 2019