Paul Pogba oo kahadlay mustaqbalkiisa Man Utd

1385

Paul Pogba ayaa sheegaya “in wax walba ay caadi u yihiin” isaga iyo Manchester United, waxa uuna ku adkaysanayaa in “1,000% uu ka qeybqaadanayo howsha kooxda”.

Wakiilka ciyaaryahanka 27 jirka ah ee khadka dhexe uga dheela xulka Faransiiska, Mino Raiola, ayaa todobaadkii tegay sheegay in ciyaaryahanka “uusan ku faraxsanayn” naadiga ayna tahay “in koox kale uu u wareego”.

Pogba ayaa ciyaaray dhammaan 90-kii daqiiqadood ee ciyaartii ay Sabtidii kooxdiisa barbaraha garoonka Old Trafford kula gashay kooxda Manchester City – iyadoo ciyaartaasna ay u aheyd middii lixaad ee horyaalka Ingiriiska ah ee ciyaarta lagu soo bilaabo xilli ciyaareedkan.

“Marwalba waan dedaalaa marwalba waan u dedaali doonaa Manchester United, saaxiibada aan kooxda ka wada tirsannahay iyo taageerayaashuba,” ayuu Pogba ku soo qoray bartiisa uu ku leeyahay Instagram-ka.

“Bla bla [in la iska hadlo] wax muhiimad ah oo ay leedahay malahan. Mustaqbalku waa uu fog yahay, muhiimmadu waa maanta anigana 1,000% waxaan ka qeybqaadanayaa howsha kooxda! Marwalba waxaynu awood ku leennahay inaynu wadajirno.. wax walba waa ay inoo kala caddaayeen aniga iyo kooxdaba, taasna weligeed isma badalayso.

“Marka aadan waxba ka ogayn waxa gudaha ka soconaya waxaa wanaagsan inaadan hadlin. #SpeakTheTruthOrRemainSilent #united #talktothehand”

Pogba – oo qandaraaskiisu uu dhacaayo 2022-ka – ayaanan ka soo dhalaalin halkii laga filayay inuu kooxda gaarsiiyo kaddib markii uu £89m kaga soo wareegay kooxda Juventus sanadkii 2016-kii.

172 kulan oo uu u saftay kooxda ayaa waxa uu ku dhaliyay 35 gool, hasayeeshee waxa uu kooxda la qaaday koobabka EFL Cup iyo Europa League sanadkii 2016-kii, wixii markaas ka dambeeyayse wax koob ah lama qaadin kooxdiisa.