Paul Pogba Qirtay In Uu Doonayo In Uu Ka Tago Man United Xagaagan

1719

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United iyo xulka qaranka France ee Paul Pogba ayaa ugu dambayn afkiisa kala furay kana hadlay mustaqbalkiisa kooxda Man United.

Xiddiga reer France ee Paul Pogba ayaa qirtay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Man United xagaan si uu uga qayb qaato tartan cusub.
Advertisement

Paul Pogba ayaa xiiso ka helaya kooxda Real Madrid kuwaas oo diyaar u ah in ay dalab 150 milyan oo euro ah ka gudbiyaan xiddiga si ay u helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Kooxda Juventus ayaa sidoo kale ku rajo weyn in ay helaan saxiixa xiddiga khadka dhexe si ay ugu xoojiyaan dibna ugu soo celiyaan kooxda.

Isaga oo arintaas ka hadlaya xaflada uu ka qayb galay Japan ayaa yidhi”Sidii aan horay u sheegay, waxa jira hadal badan iyo Fikir badan”.

“Aniga ahaan waxa aan Man United joogay muddo saddex sano ah, waxa aan qabtay shaqo fiican, waxana i soo maray wakhti fiican iyo wakhti xun waanan jeclaaday mid walba”.

“Xilli ciyaareedkan kadib iyo waliba wax walba oo dhacay xilli ciyaareedkan, in uu ahaa xilli ciyaareedkaygii gu fiicnaa ee intii aan joogay man United waxa aan u malaynayaa in la gaadhay in aan tartan cusub ka bilowdo meel kale”.

“Waan ka fikirayaa arintaas in aan tartan cusub ka qaato Meel kale”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN