Pep Guardiola oo loo magacaabay tababaraha ugu fiican Premier League 2018-2019

1746

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa loo magacaabay tababaraha ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkii 2018-2019.

Guardiola ayaa ku guuleystay abaalmarintan, kaddib markii uu ku garaacay macalimiinta kala ah Jürgen Klopp, (Liverpool), Nuno Espírito Santo (Wolverhampton) iyo Mauricio Pochettino (Tottenham Hotspur).

Macalinka reer Spain ayaa xili ciyaareedkiisii 2-aad ee xiriir ah ku hogaamiyay kooxda Manchester City ku guuleysiga horyaalka Premier League.

Hadaba macalinka reer Spain ee Pep Guardiola ayaa ka hadlay dareenkiisa kaddib markii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay abaal marinta tababaraha ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkii 2018-2019 wuuuna yiri:

“Sharaf weyn ayay ii tahay inaan helo abaalmarintan”.

“Waxaan doonayaa inaan abaalmarintan la wadaago ciyaartoyda iyo shaqaalaha, sababtoo ah waxaan la dagaalameynay dhamaan tababarayaasha horyaalka Premier League, gaar ahaan Jürgen Klopp, taasoo ahayd mid cajiib ah inaan dagaalano ilaa iyo dhamaadka”.

“Waa farxad weyn inaan la ciyaaro tababarayaasha oo dhan, waxaana rajeyneynaa inaan wajahno caqabado waaweyn mar kale, si aan ugu guuleysano horyaalka Premier League”.