Philippe Coutinho Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biiri Doono

1607

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Philippe Coutinho ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku laabto premier League isaga oo haatanba doortay xiddiga uu doonayo in uu kaga biiro Premier league inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Philippe Coutinho ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda chelsea halkii uu ku biiri lahaa kooxda Man United sida ay sheegayaan wararku.

Philippe Coutinho ayaa laga yaabaa in uu isaga tago kooxda Barcelona xagaagan xilli si weyn loola xiriirinayo kooxaha Man United iyo Chelsea.

Waxyaabo badan ayaa laga filayay xiddiga reer Brazil markii uu kaga soo biiray Liverpool suuqii Janaury laakiin Coutinho ayaa ku dhibaatooday in uu la qabsado kooxda Barcelona.

Waxa uu qaab ciyaareed liita soo bandhigay kulankii ay kooxdiisii hore ee Liverpool bur-buray rajada Kooxdiisa haatan ee ku guulaysiga koobka champions League bilowgii bishan.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu 26 jirkan doorbidayo in uu ku biiro Chelsea halkii uu ku biiri lahaa kooxda Man United xilli ciyaareedka dambe.

Man United ayaa ku fashilantay in ay u soo baxdo champions League xilli ciyaareedka dambe sidaas darteed champions League la,aanta ayaa Man United ka hor istaagaysa in ay hesho xiddiga inkasta oo uu tababare Ole Gunnar Solskjaer xiiso u qabo saxiixa xiddiga.