PSG Oo Dhamaystirtay Saxiixa Idrissa Gueye

1726

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Idrissa Gueye kaas oo ay kala wareegtay kooxda Everton.

Kooxda reer France ayaa xaqiijisay in ay xiddiga khadka dhexe ka ciyaara ka saxiixatay heshiis 4 sano ah isaga oo kooxda joogi doona ilaa xagaaga 2023.

Idrissa Gueye ayaa noqday xiddigii 8-aad ee Senegal u dhashay ee ku biira kooxda ka dhisan caasimada France iyo waliba xiddigii 53-aad ee u ciyaaray kooxda ee ka soo jeeda qaarada Africa.

29 jirkan ayaa dhamaystiray ku biirista PSG maanta kadib markii uu ka soo laabtay waajibaadka xulka qarankiisa Senegal oo uu la gaadhay Finalka Koobka qaarada Africa.

Xiddiga Idrissa Gueye ayaa ku soo laabtay horyaalka France oo uu ka soo ciyaaray intii u dhexaysay 2010 ilaa 2015 makraas oo uu u ciyaaray kooxda Lille.

Xiddiga reer Senegal ayaa noqday saxiixii 6-aad ee ay samaysay kooxda PSG inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan