PSG Oo Iska Xaadirisay Semi-Final-ka Champions League+SAWIRRO

1745

Kooxda PSG ayaa markii 2-aad ee taariikhdeeda iska xaadirisay Semi-final-ka tartanka champions League kadib guul ay daqiiqadihii ugu dambeeyay ka gaadheen kooxda Atalanta.

Kulanka ayaa u muuqday mid ay Mujisada kubada cagta xilli ciyaareedkan ee Atalanta reebayso hantiilayaasha reer France ee PSG kadib ciyaar geesinimo leh oo ay soo bandhigeen.

Kooxda Atalanta ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed isku dheeli tiran dhanka daafaca iyo weerarka iyaga oo PSG ku qasabay in ay dadaal dheeraad ah sameeyaan.

Kooxda PSG gaar ahaan Neymar ayaa daqiiqadihii ugu horeeyay ee ciyaartaba kooxdiisa ka khasaariyay fursado wax ku ool ah oo loo qaadan waayay sida ay u dhacday.

Laakiin Atalanta ayaa daqiiqadii 27-aad PSG kaga naxsatay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mario Pasalic kaas oo ka dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda reer France ayaa si waali ah kor ugu qaaday dadaalkoosa laakiin waxa ay dhaafi waayeen daafac adag oo ay kooxda Atalanta dhigatay.

Sida iska cadayd kooxda PSG ayaa si weyn u tabaysay xiddiga Kylian Mbappe kaas oo ciyaarta kayadka ka fadhiyay kadib dhaawac uu ka soo kacay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Atalanta 1/0 ku hogaaminayso ciyaarta laakiin PSG ahayd kooxda fiican inkasta oo ayna gool dhalin.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay PSG ku soo bilowday Kylian Mbappe kaas oo durba ciyaarta wax weyn ka badalay kooxdiisana ku dhiiri galiyay weerarka.

Mbappe ayaa daqiiqadihii ugu horeeyay ee uu ku jiray ciyaarta ku dhawaaday in uu dhaliyo goolal laakiin Goolhayaha iyo daafaca Atalanta ayaa ka hor istaagay.

Xilli taageerayaasha iyo waliba cid walba aqoosanatay in ay Atalanta u gudubtay wareega xiga xitaa taageerayaasha PSG is dhiibeen ayay wax walba is badaleen.

Daqiiqadii 90-aad ayay PSG dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay daafaca Marquinhos kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

PSG ayaan halkaas ku joogsan waxana ay isla daqiiqadi kadib gaar ahaan daqiiqadii 91-aad dhaliyeen goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Eric Maxim Choupo-Moting.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Kooxda PSG si mujiso leh daqiiqadihii ugu dambeeyay iska xaadirisay Semi-final-ka tartanka champions League.