RIKOODH: Jose Mourinho Oo Rikoodh Ka Dhigay Champions League

1631

Tababaraha Kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa isku qoray taariikhda tartanka champions League kadib markii uu kulankii ugu horeeyay ee champions league hogaamiyay kooxda Tottenham.

Jose Mourinho ayaa noqday tababaraha cusub ee kooxda Tottenham isaga oo kulankiisii ugu horeeyay hogaamiyay kulankii premier League ee sabtidii guulna ku hogaamiyay.

Tababare Jose Mourinho ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee 3 kooxood oo England ah hogaamiya tartanka champions League kadib markii uu hogaamiyay Tottenham kulankii ugu horeeyay ee tartanka.

Jose Mourinho ayaa horay tartanka champions League ugu soo hogaamiyay kooxaha Chelsea iyo Man United iyada oo Tottenham noqotay kooxdii 3-aad ee uu hogaamiyo.

Sidaas tababare Jose ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay ee 3 koox oo premier league ah hogaamiya tartanka champions League.

Tababare Jose Mourinho ayaa guul soo laabasho leh ku hogaamiyay kooxdiisa kulankii ay la ciyaaraysay kooxda Olympiacos.