Hordhac: Reds Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Ay Markii Ugu Dambaysay Dhigtay 10 Sano Ka Hor

1675

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Napoli kulan adag oo ka dhici doona garoonka Anfield kana tirsan kulamadii 5-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa in ay gaadho guul ka caawisa in ay iska xaadiriso wareega xiga ee tartanka waliba sii wado difaacashada tartanka champins League.

Dhanka kale kooxda Napoli oo tartanka champions League kaga hadhay lugta Liverpool xilli ciyaareedkii hore waliba kulan ka dhacay Anfield xilli ciyaareedkii hore ayaa doonaysa in ay ka aar- gudato Reds.

Kulanka: Liverpool Vs Napoli

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa garaacday Napoli labadii kulan ee tartamada yurub ee ay ku ciyaartay Anfield iyaga oo 3/1 ku garaacay 2010/2011 kulan Europa League ahaa iyo 1/0 ahaa champions League xilli ciyaareedkii hore.

Dhamaan tartamada yurub kulankan ayaa noqon doona midkii 10-aad ee ay Napoli la ciyaartay Kooxaha reer England kulamo ka dhacay England dhamaantoodna wax ay ku fashilantay in ay guul gaadho 8 guuldaro iyo 1 bar-baro halka ay wajahaday 6 kooxood oo kala duwan oo England ah kuwaas oo kala ah Arsenal, Burnley, Chelsea, Leeds United, Liverpool & Man City).

Liverpool ayaa badisay 6 ka mid ah 7-dii kulan ee tartamada yurub Anfield kula ciyaartay kooxaha reer Italy iyaga oo kaliya guuldaro kala kulmay Fiorentina sanadkii 2009.

Tan ilaa markii ay Napoli kala kulantay guuldaro 2/0 ah kulankii ugu horeeyay ee champions League xilli ciyaareedkan Liverpool ayaa badisay dhamaan 3-dii kulan ee kale ee ay ciyaartay laakiin Reds ayaan badin 4 kulan oo xidhiidh ah tan ilaa March 2009.