Puntland oo Canshuurta xad dhaaf ah saartay badeecadaha laga keeno Somaliland

1716

Wasaaradda Maaliyadda dowlad Goboleedka Puntland ayaa Canshuur laba jibaaran waxaa ay kusoo rogtay badeecadaha maamulkaas uga yimaada dhinaca deegaanada Maamulka Soomaaliland.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Xassan Shire Cabdi ayaa la ogeeysiiyay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda u qaabilsan Gobolada Sool iyo Sanaag iyo Karkaar Puntland,laguna amray in beecadaha daruuriga ah ee ka imaanaya Somaliland laga qaado Canshuur 100%. oo Dhamaystiran.

Sidoo kale waxaa lagu amray in badeecadaha an daruuuriga aheyn ee ka yimaada deegaanada Soomaaliland laga qaado canshuur laba-jibbaaran oo u dhiganta 200%, si ay u yaraato badeecadaha dhinaca Soomaaliland uga yimaado Puntland.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Wasiirka Maaliyadda dowlad Goboleedka Puntland.