PUNTLAND OO XOOG KU JOOJINAYSA SALAADAHA JIMCAHA IYO JAMEECAADKA

1661

Xukuumadda Puntland, ayaa amartay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado, masaajidda aan weli u hoggaansamin amarkii ka soo baxay dowladda, ee lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo Jameecaadka masaajidda, si looga hortago xanuunka COVID-19.

Qoraal xalay ka soo baxay guddi-hoosaadka Amniga Puntland, oo tixraacaya go’aankii hore ee dowladda, ayaa lagu amray dhammaan hay’adaha Amniga Puntland, in ay dhaqan-geliyaan amarkii lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo jameecaadka, si looga feejignaado faafidda cudurka Coronavirus.

Guddiga ayaa Laamaha Amniga faray, in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami weyda dhaqan-gelinta go’aankaasi dowladda, si loo ilaaliyo badqabka dadweynaha isu’gu imaanaya masaajidda.

Go’aankaas ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii uu masaajidda ka dhaqan-geli waayay amarkii Puntland soo saartay ee lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo jameecaadka masaajidda, sababa la xiriira faafidda COVID-19.