Unia Emery aya lagu soo waramayaa in uu qaab Ixtiraam ku jirto oo uu raali ka yahay u qaatay shaqo ka caydhintii lagu sameeyay kadib markii ay maamulka kooxdu u sheegeen in wakhtigiisii Arsenal soo dhamaaday kadib guuldaradii Europa League.
Tababaraha reer Spain ayaa iska soo xaadiriyay tababarka kooxda si uu u hogaamiyo tababarka laakiin waxa looga yeedhay xafiiska iyada oo ay maamulka kooxdu ku war galiyeen in uuna ahayn tababaraha kooxda.
Saxafiga Sky Sport ee Kaveh Solhekol ayaa sheegay in uu Emery si Ixtiraam leh u qaatay warka ka hor inta uuna macasalaamayn xiddigaha kooxda.
“Waxa uu filayay in uu sidii caadiga ahayd u hogaamiyo tababarka”ayuu Kaveh Solhekol u sheegay Sky Sport.
“Laakiin waxa loogu yeedhay shir uu hogaaminayay Madaxa ciyaaraha ee Raul Sanllehi & Agaasimaha Kooxda Edu”.
“Waxa loo sheegay in laga qaaday masuuliyada tababaranimo ee kooxda”.
“Warka aan helay ayaa in uu Emery si Ixtiraam leh u qaatay warka isaga oo u muuqday mid sugayay warka”.