Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

19

Taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa war kasoo saaray qarax xooggan oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo uu fuliyay naftii halige isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu ka dhacay barxadda dugsiga tababarka booliska ee Iskuul Buluusiyo, iyada oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Booliska ayaa shaaciyay in qaraxa ay ku geeriyoodeen 7 ruux oo isugu jira ciidan iyo shacab, halka ay ku dhaawacmeen illaa 6 ruux oo kale.

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay guryo isku raran ah oo ku yaalla kasoo horjeedka barxadda xerada, halkaas oo ay ku yaallaan geedo waaweyn oo la harsado, sida uu sheegay booliska.

Qaraxa ayaa ahaa mid jugtiisa laga maqlay inta badan gudaha magaalada, waxaana uu dhacay xilli uu maanta ababar askar badan uga socday xerada.

Dhawaan unbey aheyd markii kooxda Al-Shabaab ay gaari walxaha qarxa kasoo buuxisay ku weerartay bar-koontarool oo ku yaalla degmada Garasbaaley ee gobolka Banaadir, kaasi oo ay dagan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda Soomaaliya.