Qarax sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Dhuusamareeb

1288

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta qarax xoogan uu ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda, xilli ay ku socdaalayeen deegaanka Sinna-Dhaqo.

Ugu yaraan labo askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo dheeraad ah oo halkaasi ka soo qaaday meydadka iyo dhaawacyada askarta ay waxyeelado ka soo gaartay qaraxaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo Galmudug oo ku aadan weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa duleedka Dhuusamareeb ka jiray dhaq-dhaqaaqyo u dhexeeyey ciidamada dowladda, kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ku soo qaada caasimada maamulkaasi.