Qarax xoogan oo dhawaan ka dhacay magaalada Lyon ee dalka Faransiiska +SAWIRRO+VIDEO

1714

Bac lagu soo ridey waxyaalaha qarxa ayaa ku qarxay bartamaha magaalada Lyon ee dalka Faransiiska iyadoo ay ku dhaawacmeen 13 ruux.

Dadka ku dhaawacmay qaraxan oo ka dhacay wada Victor-Hugo ayaa waxaa ka mid ahaa gabar siddeed sano jir ah taasoo la sheegay in dhaawac wajiga ah uu soo gaaray.

Booliska ayaa waxa ay raadinayaan qof watay baaskiil oo dhigey wadada bacda ay ku jireen waxyaalaha qarxa.

Ciidamada ka hortagga argagaxisada ayaa ka bilaabay baaritaano magaalada saddexaad ee ugu weyn dalka Faransiiska iyadoo kaamerada wadooyinka ay duubtay muuqaalka qofkii ka dambeeyay qaraxa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska ayaa amar ku bixiyay in la xoojiyo amaanka goobaha ay dadku isugu yimaadaan iyo goobaha xafladaha ay ka dhacayaan.

Xilligii ugu dambeeysay ee waxyaalaha qarxa lagu arko dalka Faransiiska ayaa ahayd sanadkii 2007dii xilligaasoo hal ruux uu ku dhintey qof kalana ku dhaawacmay magaalada Paris.

Hase yeeshee weeraro ay kooxaha Jihaad doonka ka ah geysteen dalka Faransiiska laga soo bilaabo sanadkii 2015kii ayaa waxaa ku dhintey 250 ruux.