Qaraxyo goor dhow ka dhacay Muqdisho

1723

Qaraxyo ayaa goor dhow abaarihii 12:20 duhurnimo ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan wadada isku xirta labada isgoys ee Banaadir iyo Zoope gaar ahaan agagaarka hotelka Safari.

Qaraxyada oo labo ahaa ayey wararku sheegayaan in kan hore uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah oo loogu talo galay in lagu qaarajiyo qofka iska leh, waxaana isla goobta daqiiqado ka dib qarax kale

Goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga qaraxa lagu soo xiray uu dab xoog leh qabsaday qaraxa ka dib, waxaana goobta gaaray ciidamada amaanka iyo gaadiidka dab demiska.

Lama oga illaa hadda qofka iska ahaa gaariga iyo khasaaraha ka dhashay qaraxan, waxaana xiran wadada isku xirta Zoope iyo Banaadir oo ka mid ah jidadka mashquulka badan ee Muqdisho.