Qoorqoor oo kaqeyb galay aaska Marxuum Sh. Cali Dheere +SAWIRRO

1340

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta magaalada Gaalkacyo uga qeybgalay aaska Allaha u naxariistee marxuum Sheikh Cali Axmed Farax (Shiikh Cali Dheere).

Marxuumka ayaa ahaa samafale maamulayey Xarunta Daryeelka Agoonta ee Gobolka Mudug, waxaana dilkiisa ka xumaaday shacabka magaalada Gaalkacyo, waxaana dilay kooxo hubeysan oo aan gacanta lagu dhigin.

Qoorqoor oo aaska ka hadlay ayaa sheegay in caddaalada la horkeeni doono dambiilayaashii ka danbeeyey dilkiisa isagoo Bulshada Qeybaheeda kala duwan uga tacsiyeeyay Geeridi ku timid Marxuumka.