Ra’iisul wasaare ku xigeenka Talyaaniga oo laxirayo

72

Xafiiska dacwad oogaha Talyaaniga ayaa waydiistay Garsooraha Maxkamadda in lagu xukumo lix sano oo xarig ah kiis lagu soo oogay ra’iisul wasaare ku xigeenka Talyaaniga Matteo Salvini oo diiday inuu dekado u furo markab muhaajiriin ah siday shan sano ka hor.

Salvini, waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dowladii isbaheysiah ee xilligaasi xukunka heysay, waxaana uu waday siyaasad uu ku xirayo dekedaha Talyaaniga si looga hortagayo in caawiyaan maraakiibta sida muhaajiriinta.

Markabka gargaarka ee Open Arms, oo badbaadiyay ku dhawaad 160 qof oo muhaajiriin badda Mediterranean-ka bishii Agoosto sanadkii 2019-kii , ayaa dowladdii xiligas ee Talyaanigu ku xayirtay badda sababo la xiriira siyaasaddan Salvini, laakiin markii danbe markaba ayaa ku xirtay jasiiradda Lampedusa ee Talyaaniga 19 maalmood ka dib go’aan maxkamadeed.

Dacwad oogayaasha ayaa dalbaday in lagu xukumo lix sano oo xarig ah Salvini, oo lagu eedeeyay xarig iyo ku takri fal awoodeed kiis ka furmay jasiiradda Sicily. Xukun ayaa la filayaa dhamaadka sanadka.

Waa wax la yaab leh in wasiir ka tirsan Jamhuuriyadda Talyaanigu uu wajahayo lix sano oo xarig ah, kadib markii uu gudanayay waajibaadkiisa ku aaddan ilaalinta xuduudaha qaranka, si waafaqsan waajibaadkii muwaadinka ee loo igmaday. Soohdimaha Talyaaniga ee socdaalka sharci darrada ah ayaa loo beddelay dambi,” ayey ku tiri qoraal ay soo dhigtay barta X, ee hore loo oran jiray Twiter Ra’iisul wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni.

Dhageysiga oo ka dhacay Palermo Sabtidii, xafiiska dacwad oogaha ayaa sheegay in xuquuqul insaanka iyo waajibaadka badbaadinta kuwa u baahan in laga badbaadiyo badda aysan ahayn mid u furan in laga doodo.

Salvini, oo hadda ah Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeen iyo Wasiirka, kaabayasha iyo Gaadiidka ee xukuumadda isbahaysiga talada haysa, ayaa ku dooday “inuu xuduudaha dalka ka ilaalinayey muhaajiriinta sharci-darrada ah” wuxuuna yiri, “Haddii aan mar kale ahaan lahayd, waan samayn lahaa mar kale. ” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay barta X, ee horey loo oran jiray Twiter.