Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia oo xabsi adag lagu xukumay+SAWIRRO

1586

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Malaysia Najib Razak ayaa lagu xukumay 12 sano oo xabsi ah oo la xiriira fadeexaddii musuq-maasuqa halka bilyan ee dollar ah ee lagu sameeyey sanduuqa horumarinta Malaysia ee 1MDB

Fadeexadan ayaa sanadkii 2018-kii sababtay in dowladdiisa ay dhacdo, waxaana Najib Razak sidoo kale lagu ganaaxay 50 milyan oo dollar, kadib markii lagu helay dhammaan toddobadii dacwadood ee lagu soo oogay ee la xiriiray xatooyada lagu sameeyey sanduuqa 1MDB.

Najib Razak oo 67-jir ah ayaa ka loolami doona go’aankan, wuxuuna ahaan doonaa xor inta laga soo geba-gebeynayo racfaan qaadashadiisa oo la filayo inay muddo qaadato.

Kumanaan bilyan oo dollar ayaa laga xaday sanduuq lacageedka ugu weyn ee dowladda Malaysia, waxaana lagu qarash gareeyey wax kasta, oo ay ku jiraan guryo qaali ahaa iyo sawirro farshaxan oo lacag badan lagu soo iibiyey.

Bankiga maal-gelinta ee Goldman Sachs ee Mareykanka ayaa sidoo kale ay fadeexaddan lugaha la gashay, wuxuuna wajahayaa ganaax xooggan oo kaga imanaya dowladaha Mareykanka iyo Malaysia.

Xaakimka Maxkamadda Sare ee Kuala Lumpur, Mohamad Nazlan Mohamad Ghazali ayaa Najib ku helay 7 dacwad oo la xiriiray 9.9 milyan oo dollar oo laga wareejiyey sanduuqa 1MDB laguna shubay akoonkiisa banki ee shaqsiga ah.