Farmaajo oo kulan deg deg ah isugu yeeray taliyeyaasha ciidamada

1552

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kulan deg deg ah iskugu yeeray taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyo masuuliyiinta heyadaha kale ee amniga dalka.

Kulankan oo ka socda Villa Somalia ayaa waxaa ka qeyb galaya taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka, Booliska iyo asluubta, sidoo kale waxaa goob joog ah agaasimaha NISA, Wasiirada Wasaaradaha amniga iyo arrimaha gudaha iyo xubno kale.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan looga hadlayo qodobo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin sugida amaanka dalka gaar ahaan caasimada xiliga kala guurka ee xukuumada xafiiska baneyneysa.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xili uu xafiiska baneeyey RW hore ee Somalia Khayre ka dib markii Xukuumadiisa uu baarlamanku sheegay iney dhacday nidaamka loo maray arrintaas lagu tilmaamay mid sharciga baalmarsan.