RASMI: Barcelona Oo Xaqiijisay In Ay Heshiis Cusub Oo Wakhti Dheer Ah Ka Saxiixatay Ansu Fati, Imisa Ayaa Lagu Bur-Burin Karaa Heshiiskiisa.

1830

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in ay da,ayrka Ansu Fati ka saxiixatay heshiis cusub oo 4 sano ah kaas oo uu kooxda ku sii joogi doono ilaa xagaaga 2022.

Waxa intaas sii dheer in uu heshiiska da,yarka ku jiro shardi u ogolaanaya in uu 2 sano kale saxiixo mustaqbalka iyada oo kor loogu qaaday mushaharkiisa.

Heshiiska Ansu Fati ayaa lagu xidhay lacag 170 milyan ah oo lagu bur-burin karo hadii ay koox doonto adeegiisa inta uuna dhamaan heshiisku.

Si kasta ha ahaatee kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in lacagta lagu bur-burin karo heshiiskiisu kor ugu kici doonto 400 oo milyan marka uu xiddigu kooxda 1-aad si Rasmi ah ugu soo daloco.