
Kooxda Juventus ayaa xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga daafaca uga ciyara kooxdeeda ee Leonardo Bonucci kaas oo mustaqbalkiisa u hibeeyay Juvnetus.
Leonardo Bonucci ayaa qalinka ku duugay heshiis ilaa xagaaga 2024 ah oo uu ku sii joogidoono kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A-da.
Leonardo Bonucci ayaa ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda Juventus isaga oo kooxda u saftay 376 kulan kulana guulaystay koobab badan.
Bonucci oo kooxda Juventus ku soo biiray saanadkii 2010/11 laakiin waxa uu ka tagay xagaagii 2017 ka hor inta uuna ku soo laaban kooxda.