RASMI: Real Madrid Oo Dhaawac Ku Wayday Xiddig Muhiim Ah

1798

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Lucas Vázquez ayuu dhaawac soo gaadhay taas oo keentay in uu garoomada ka maqnaado muddo iyada oo la xaqiijiyay in uu seegi doono kulanka Real Sociedad ee sabtida.

Kooxda Real Madrid ayaa salaasadii dib u heshay dhamaan xiddigihii uga maqnaa xulka qarankooda laakiin dhibaatadii dhaawacyada ayaa wali daba joogto kooxda Zidane iyaga oo war xun kala kulmay kadib dhaawacii sahalay soo gaadhay Lucas Vázquez.

Wargayska MARCA Ayaa sheegaya in uu Lucas Vázquez ka dhibaatoonayo dhaawac jab ah oo soo gaadhay far ku taala lugta taas oo ka hor istaagaysa garoomada muddada soo socota.

Dhaawacan ayaan ahayn midkii ugu horeeyay ee  Lucas Vázquez soo gaadha iyada oo uu xiddigu dhaawac muruqa ah ka cabanayay todobaadyadii soo socday kana hor istaagtay in uu u ciyaaro kooxda.