RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Xiddigaha U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican Todobaadka Champions League

1964

Xidhiidhka Champions League ayaa soo saartay 4-ta xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican todobaadka champions League.

Waxa shalay laa soo afjaray kulamada 5-aad ee wareega Group tartanka champions league oo la kala ciyaaray Salaasadii & Arbacadii.

Xiddigo badan ayaa is muujiyay kulamadii todobaadkan kuwaas oo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo UEFA ka soo xulatay 4 xiddig oo ku tartama abaalmarinta xiddiga ugu fiicn Todobaadkan.

Xiddiga ugu cad-cad ayaa ah xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo 4 gool dhaliyay kulankii ay kooxdiisu xasuuqday kooxda Red Star.

Goolhayaha kooxda kooxda PSG ee Keylor Navas ayaa sidoo kale ku jira tartanka kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu soo bandhigay kulankii Real Madrid.

Waxa Liiska ku jira sidoo kale xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi kaas oo ku lug lahaa 3-dii gool ee ay kooxdiisu dhalisay kulankii Dortmund.

Ugu dambayn waxa Liiska ku jira xiddiga kooxda weerarka uga ciyaara kooxda Inter Milan ee Romelu Lukaku kaas oo 2 gool dhaliyay kulankii ay kooxdiisu garaacday kooxda Slavia Prague.