RASMI: Zidane Oo Soo Saaray Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono PSG

1713

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zidane ayaa soo saaray 19-ka xiddig ee uu kaga hor tagi doono kooxda PSG kulan ka tirsan tartanka champions League isaga oo mar kale ka saaray Liiska da,yarka Vinicius Junior.

Tababaraha reer France ayaa soo xushay isla liiskii xiddigihii uu kaga hor tagay kooxda Real Sociedad taas oo niyad jab ku ah da,yarka reer Brazil.

Waxa Vinicius Junior kula biiray maqnaanshaha Liiska xiddigaha Brahim Diaz, Alvaro Odriozola & Mariano Diaz kuwaas oo uu Zidane go’aansaday in uu ka reebo Liiska.

Sidoo kale waxa Liiska dhaawac darteed looga reebay Xiddigaha James Rodriguez, Nacho, Marco Asensio & Lucas Vazquez kuwaas oo aan ka soo kabsan dhaawac ay qabaaan.

Halkan Kaga Bogo Liiska uu Zidane soo xushay:

Goolhaye: Thibaut Courtois, Alphonse Areola, Diego Altube.

Daafacyada: Dani Carvajal, Eder Militao, Sergio Ramos, Raphael Varane, Marcelo, Ferland Mendy.

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco.

Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Gareth Bale, Luka Jovic, Rodrygo