Real Madrid Mise Juventus? Miyuu Paul Pogba Si Maldahan U Muujiyay Kooxda Uu Ku Biiri Doono

1671

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa dabka ku sii shiday wararka la xidhiidhinaya in uu isaga tagayo kooxda Man United xilli uu heegan galiyay kooxaha ku dagaalamaya saxiixa xiddiga ee Real Madrid iyo Juvnetus.

Paul Pogba ayaa dabka ku sii shiday wararka la xidhiidhinaya Juventus kadib markii uu la kulmay xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen ee Juan Cuadrado.

Labada xiddig ayaaa muddo 2 sano ah ku wada qaatay Juventus sanadkii 2015 waxana ay wada yihiin laba xiddig oo leh xidhiidh fiican inkasta oo uu United kaga soo biiray sanadkii 2016.

Sidaas darteed labada xiddig ayaa ka faa,iidaystay fasaxa ay ku jiraan iyaga oo ku kulmay dalka America halkaas oo ay fasaxa ku qaadanayaan labada xiddig.

Taageerayaasha Juventus ayaa haatanba sheegaya in ay kooxda reer Italy ku dhawdahay saxiixa xiddiga reer France kaas oo 4 sano ku soo qaatay kooxda Juventus.