Real Madrid Oo 3-1 kugaraacday Atletico Madrid +SAWIRRO

2045

Real Madrid ayaa guul 1-3 ah kasoo gaadhay Atletico Madrid kulan xiiso badan waxaana Los Blancos ay goolasha ka heshay Casemiro, Ramos iyo Bale halka goolka Atletico uu dhaliyay Greizmann.

Guushan ayaa ka dhigan in kooxda tababare Santiago Solari ay kaalinta labaad kala baxday kooxda ay guusha ka gaadhay waxaana ay hada kala leeyihiin 45 dhibcood iyo 44 dhibcood.

Falanqaynta Guud Ee Kulanka

Kulanka ayaa daqiiqadihii ugu horreeyay qaab daganaan ah iyadoo aysan kooxina wax halis ah samayn labada kooxoodna ay u muuqdaan kuwo wax deg deg ah iska ilaalinaya.

GOOAL: Ala Muxuu Gool Cajiib Ah Ahaa!!, Sergio Ramos ayaa kubadda gees ka laad ahayd madaxa ku darbeeyay balse kubadda ayaa u tagtay Casemrio oo boos aad u fiican joogay kaas oo labaaley (Dhabal) indho qabad leh dhex dhigay goolka Atletico.

Real Madrid ayaa markale fursad halis ah heshay, Vinicius ayaa kubadda si furan goolka ugu hor dhigay Vazquez balse xiddiga ree Spain ayaa awoodi waayay inuu kubadda xakameeyo.

GOOAL: Atletico ayaa iska soo guday goolka looga horumaray, Antoine Greizmann ayaa kubad hal ka hal ah kula baxay goolhaye Thibaut Courtois isaga oo si cajiib ah kubadda uga dhex saaray labadiisa lugood.

Intaa kaddib xiisaha kulanka ayaa cirka galay, Labada kooxood ayaa halkooda kasii watay weerarada iyaga oo si xoogan ugu dagaalamayay kubadda.

Rigoore: Vinicius ayaa si cajiib ah orod ugu soo sheegtay daafacyada Atletico waxaana qalad xun oo xerada ganaaxa dhexdeeda ah ku galay Giminez kaas oo kaadh ku mutaystay.

GOOAL: Sergio Ramos ayaa dhammaystiray gool kulaadka waxaana uu ku guuleystay inuu gaadho goolka goolhaye Jan Oblak.

Qaybta hore ee kulanka ayaa kusoo dhammatay hoggaan 1-2 ah oo ay Real Madrid leedahay waxaana xusid mudan in qaybtaasi ay ahayd mid xiisaheeda wadata.

GOOAL,, MAYA!! Atletico ayaa u muuqatay mid goolka iska soo guday kaddib kubad fag ah oo uu si farsamaysay goolhaye Courtois uga dul qaaday Morata balse goolkan ayaa garab dhaaf loo xisaabiyay kaddib markii dib loosoo daawaday VAR.

CAJIIB: Kooxda Simeone ayaa markale qarka u fuushay inay goolka bar-bardhaca keento Gimenez ayaa kubadda gantaal ah la beegsaday goolka Madrid balse Courtois ayaa si cajiib ah uga badbaadiyay.

GOOAL: Gareth Bale ayaa kulanka hurdo u diray isla markaana dhibcaha u xaqiijiyay kooxdiisa, Xiddiga ree Wales ayaa caawimo ka helay Luka Modric isaga oo kubad hoose dhinac ka dhigay goolhaye Oblak.