Real Madrid Oo Guusheedii Ugu Horaysay Ka Gaadhay Champions League +SAWIRRO

1825

Kooxda Real Madrid ayaa gaadhay guusheedii ugu horaysay ee wareega Group-yada tartanka champions League iyaga oo garaacay kooxda Inter Milan kulan xiiso lahaa.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso iyo xamaasad leh iyada oo ay labada kooxoodba ciyaarayeen weerar iyo weerar celis kooxna ka awood badnayn kooxda kale ee ka soo hor jeeda.

Waxa xusid mudan in labada kooxoodba xiddigeheedu sameeyeen khaladaad dilaa ah oo keentay in ay kala dhaliyaan goolasha kulanka laga dhaliyay.

Real Madrid ayaa daqiiqadii 25-aa dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Karim Benzema kaas oo shabaqa dhexdhigay kubada kadib is faham-waa ka dhex-dhacay xiddigaha Kooxda Inter Milan waxana uu sidaas hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa.

Los Blancos oo uu goolkaas niyada u dhisay ayaa laba jibaartay weerarada iyo fursadaha ay samaynayso iyaga oo iska khasaariyay fursado goolal ka dhalin kareen.

Daqiiqadii 35-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana madax u dhaliyay kabtankooda Sergio Ramos kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Inter Milan ku hogaamunayso.

Laakiin Inter Milan ayaan is dhiibin waxana ay sii wadeen raadinta goolasha ay ciyaarta ugu soo laabanayaan xilli ay daafacyada Real Madrid samaynayeen khaladaad.

Daqiiqadii 35-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Lautaro Martinez kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Inter Milan wali ku dambayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Real Madrid hogaaminayso kulan xiiso leh oo ay labada kooxood soo bandhigeen.

Qaybtii dambe ayay Inter Milan ku soo gashay si dar-dar leh iyaga oo raadinayay goolka bar-baraha ciyaarta xilli Real Madrid u muuqatay kuwo aan ka soo bixin qolka labiska.

Daqiiqadii 68-aad ayay Inter Milan dhalisay goolka bar-baraha kadib dadaal iyo weeraro badan oo ay qaaday iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Ivan Perisic kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Labada kooxood ayaa wixii intaas ka dambeeyay is dhaafsanayay weerarada iyo fursadaha iyada oo koox walba dhankeeda doonaysay goolka ay ciyaarta hogaanka ugu qabanayso.

Daqiiqadii 80-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Rodrygo kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid gaadhay gusheedii ugu horaysay ee champions League xilli ciyaareedkan kadib 2 bar-baro oo ay gashay.

Dhanka kale kooxda Bayern Munich ayaa si wada guulaha ay ku difaacanayso tartanka champions League iyaga oo 4/2 ku garaacay kooxda Salzburg.