Real Madrid Oo kubar baratay Club Brugge +SAWIRRO

2419

Club Brugge iyo Real Madrid ayaa nasiinada ku aaday bar ba dhac bilaa goolal ah , waxa ayna wada ciyaarayeen kulanka ugu dambeeya ee wareegga marxaladda Champion-ka .
Labada koox ayaan soo bandhigin qeybtii hore ciyaar wacan waxa ayna ciyaarayeen kubad is buurashadeeda ay badan tahay .

Ma jirrin fursado ay isku heleen, waxa ayna ciyaarta aheyd mid isku caburran , waxa ayna Real dareensanayeen in wareegggii hore ay xaqiijisteen u soo bixidda wareegga 16-ka.

Marka laga yimaado qaladaadkaas , labada koox qaladaad ayaa ka dhacayay waxa ayna ciyaarta aheyd mid gaabis ah xilli qadka dhexe uu dagaalka ka socday

Qeybta labaad , Club Brugge biloowgii ayay sigayeen Real xilli labada koox u muuqdeen in hanaankooda uu soo wacndaay .

Real ayaa ku hormartay gool daqiiqaddii 53-aad waxaana u saxiixay Rodrygo balse in badan ma sii jirrin hogaankaas waxaana lagu helay goolka bar bar dhaca daqiiqaddii 55-aad waxaana ka dhaliyay Hans Vanaken .

Guud ahaan , Real isku dayo kala duwan ayay sameynayeen oo kubadaha waa ay dhisayeen iyaga ayaana kubadda ku badnaa illaa ay keeneen gool labaad waxaana u dhaliyay Vinicius Junior daqiiqaddi 64-aad

Sidaas oo ay tahay kooxda martida loo ahaa kubadda waa ay la qeybsanayeen Real balse fursadaha waa ay iska qasaarinayeen , waxa ayna Real daqiiqaddii 76-aad soo giliyeen Benzema oo loo badalay Jovic waxaana laacibkaas ka muuqatay in uu ka carooday badelka .

Dhamaadkii kubadda waa ay u furneyd labada koox waxa ayna Real daqiiqadii 83-ad saareen Isco iyaga oo soo giliyay Valverde , waxaana xusid mudan qeybtii dambe Real ku sareysay maamulka kubadda iyaga oo gaaray heer dhan %53

Club Brugge fusrado badan ayay iska qasaariyeen waxaana daqiiqadii 90-aad loogu daray gool sedexaad waxaana dhaliyay Modric xilli ciyaarta ay ku dhamaatay 3/1 oo ay Real ku badisay xilli waqti hore ay iska xaadirisay wareegga 16-ka Champion-ka.