Real Madrid Oo Lacag & Laba Xiddig Miiska U Saaraysa Man United Si Ay Uga Hesho Paul Pogba & Labada Xiddig Oo La Ogaaday

1569

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 73 milyan oo euro iyo waliba xiddigaha James Rodriguez & Mariano Diaz si ay u helaan xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in uu Ole Gunnar Solskjaer hor yaalo go,aan weyn marka la gaadho suuqa January xilli ay Real Madrid doonayso saxiixa xiddiga reer France ee Paul Pogba.

Xiddiga khadka dhexe ayaa kaliya 5 kulan oo premier League ah u ciyaaray kooxda Man United xilli ciyaareedkan isaga oo uu soo gaadhay dhaawac kuraanta ah bishii September.

United ayaa filaysa in uu Pogba ku soo laabto tababarka todobaadyada soo socda.

Laakiin waxa la sheegayaa in uu Pogba diidayo in uu u ciyaaro kooxda si uu ugu qasbo in la iibiyo suuqa January.

Xiddiga ayaa si aad ah u doonaya in uu ku biiro Real Madrid kulana midoobo Zinedine Zidane oo aad u doonaya saxiixiisa.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Los Blancos diyaar u tahay dalab lacageed oo dhan 73 milyan oo euro iyo waliba xiddigaha aan kooxda mustaqbalka ku lahayn ee James Rodriguez & Mariano Diaz si ay u helaan xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.