Rivaldo Oo Sheegay Xiddiga U Xaq Leh In Uu Ku Guulaysto Abaalmarinta Ballon D’or 2019

1603

Halyeeygii hore ee kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa sheegay in uu xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi U Xaq leeyahay ku guulaysiga abaalmarinta Ballon D’or 2019.

Waxa Abaalmarinta si Rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa Isniinta iyada oo la qaban doono xaflada lagu dhawaaqi doono.

Rivaldo oo la hadlaay wargayska AS ayaa yidhi”Hadii uu Messi ku guulaysto abaalmarinta Ballon D’or 2019 waxa ay noqon doontaa cadaalada dhabta ah, laakiin waan arko doonaa waxa dhaca”.

Lionle Messi ayaa abaalmarinta kula tartami doona 30 xiddig oo kale laakiin waxa la filayaa in uu ku soo boxo 3-da xiddig ee ugu dambeeya.

Messi ayaa tartan adag kala kulmi doona xiddiga kooxda Liverpool ee Virgil Van Dijk iyo xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo.