Romelu Lukaku oo lagasoo dalbaday Inter Milan

1984

Kooxda Inter Milan aya wadahadalo la furtay kooxda Man United iyaga oo ka doonaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara ee Romelu Lukaku inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga sanadkan.

Wakiilka Romelu Lukaku ayaa dhankiisa wadahadalo kula jira Inter Si uu heshiiska shaqsiga ah haatanba ula gaadho kooxda Inter Milan si deg-deg ahna loo dhamaystiro heshiiska.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay kooxda Inter Milan dalabkii ugu horeeyay miiska u saartay Man United kaas oo dhan 30 milyan oo euro laakiin Ay Red Devils si deg-deg ah u diiday.

Laakiin Inter Milan ayaa haatan diyaar la ah dalab cusub oo dhan 30 milyan oo euro iyo waliba xiddiga garabka ka ciyaara ee Ivan Perisic oo ay Man United si aad ah u doonaysay adeegiisa wakhtigii jose Mourinho.