Ronaldo oo xalay sameeyay dabaal degii Simeone+SAWIRRO

2026

Cristiano Ronaldo ayaa saddexleey ku xaaqay Atletico Madrid isagoona Juventus u soo saaray wareega sideed dhammaadka Champions League.

Kooxda reer Spain ayaa 2-0 ku soo adkaatay lugta hore ee lagu soo ciyaaray Madrid, laakiin laacibka shanta jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa saddex gool ka dhaliyay isagoona muujiyay inuu yahay laacib wax gal ah.

Xiddiga reer Portugal ayaa sameeyay dabaal degii Diego Simeone eekulankii lugta hore.

Tababaraha reer Argentina oo la waydiiyay sababta uu sidaa u sameeyay ayaa ku sheegay inuu taageerayaashiisa u muujinayay inay leeyihiin Xaniinyo calaashaan raganimo, balse Ronaldo ayaa u jawaabay oo malaha ka yiri “Oo yaan lahayn Xaniinyo.”.