Rooble oo dadweyne kula tukaday Masjidka Shuhadaa SAWIRRO

1168

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa boqollaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday masjidka Shuhadaa ee ku yaalla madaxtooyada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo salaada ciida ka dib hadal ka jeediyey masjidka ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, lagana wada shaqeeyo amniga.

Waxaa uu sheegay in dowladnimada Soomaaliya loo soo maray dhibaatooyin fara badan oo ay naftooda ku waayeen muwaadiniin badan, loona baahan yahay in la ilaaliyo lana xoojiyo.

“Waxaan rabaa munaasabadan in aan uga faa’iidaysto muhiimmada ay leedahay is cafintu , kulligeen gacmaha aan is qabsanno, kuweena jilicsan gacan qabano, ka wada shaqayno amniga, xasiloonida iyo dib-u-dhiska dalka”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilaamay in dalku uu ku jiro xili doorasho oo muhiim ah, xukuumadiisuna ay garwadeen ka tahay, isagoo codsaday in loogu duceeyo howsha culus ee loo xil saaray in ilaahay u fududeeyo.

Rooble ayaa mar kale ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed munaasabada maainta koowaad ee ciidul fitriga, isagoo alle uga baryey iney sanadkan kiisa kale ku gaaraan Nabad iyo horumar.