Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Real Sociedad kana tirsan horyaalka iyaga oo doonaya in ay sii wadaan guulaha iyo qaab ciyaareedkii ay ku jireen ka hor fasaxii xullalka.
Real Madrid ayaa gaadhay 4 guulood oo waaweyn 5-tii kulan ee ugu dambaysay ee tartamada oo dhan iyaga oo garaacay kooxaha Galatasaray, Leganes iyo Eibar kuwaas oo ka dhaliyay 16 gool.
Inkasta oo ay Real Madrid ku jirto qaab ciyaareed fiican hadana Kulanka Sociedad ayaan noqon doonin mid fudud waxana jirta sababo ay Los Blancos khatar ugu jirto in ay kufto kulanka.
1.Real Madrid Oo Dhibaatoota Kulamada Kadib Fasaxa Xulalka:
Waxa aan Real Madrid uga baranay in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed xun kadib kulamada fasaxa xulalka iyada oo in badan dhacday xilli ciyaareedkii hore.
waxana aan xusaynaa in ay guuldaro weyn oo 3/0 ah kala kulantay kooxda Eibar iyada oo ay dhibaatadaas sii socotay xilli ciyaareedkan iyaga oo guuldaro kala kulmay Kooxda Mallorca xilli ciyaareedka kadib fasaxii xulalka ee ugu dambeeyay waxana aan filaynaa in ay Real Madrid mar kale kulanka caawa dhibaatooto.
2.Real Sociedad Oo Ah Koox Adag Xilli Ciyaareedkan:
Kooxda Sociedad ayaa qaab xoogan ku jirta xilli ciyaareedkan iyaga oo ku jira kaalinta 5-aad ee kala saraynta waliba ah kooxda guulaha ugu badan gaadhay horyaalka La Liga kadib kooxaha Barcelona iyo Real Madrid.
Qaab ciyaareedka Sociedad ayaa khatar ku ah kooxda Real Madrid iyada oo laga yaabo in ay garaacdo ama bar-baro ku qabato Real Madrid.
3.Qaab Ciyaareedka Hoose Ee Real Madrid:
Kooxda Real Madrid ayaan uga baranay in ay si lama filaan ah inoogaga yaabiso qaab ciyaareed aad u liita inkasta oo ay kulamada qaarkood soo bandhigto qaab ciyaareed cajiib ah.
Laakiin Wiilasha Zidane ayaan la isugu halayn karin in ay qaab ciyaareed fiican u soo bandhigaan kulamo badan oo xidhiidh ah taas oo Sociedad siin karta fursad hadii ayna qaab ciyaareed fiican soo bandhigin kulanka caawa.