Safiirka Qadar ee Somalia oo tagay Kismaayo +Sawirro

1740

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamul goboleedka Jubbaland gaaray wafdi uu hogaaminayo Safiirka dowlada Qadar u jooga Soomaaliya Xasan Xamza Assad .

Safiirka iyo xubnaha la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka .

Sida wararka ku helnay Safiirka Qadar ayaa magaalada Kismaayo u tagay sidii uu xariga uga jari lahaa mashaariic waxbarasho oo dowlada Qadar ka hirgalisay caasimada KMG ee maamulka Jubbaland.

Safiirka Qadar ee Soomaaliya ayaa inta uu joogo magaalada Kismaayo la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale uuna kala hadlo arimo badan ay kamid tahay taageerada Qadar ee Soomaaliya.

Dowlada Qadar ayaa kamid ah dowladaha sida weyn xiligan u taageera dowlada Soomaaliya, lamana oga in safiirka uu Madaxda Jubbaland kala hadli doono khilaafka xiligan kala dhaxeeya dowlada federaalka.