Salah & Jota Oo Liverpool Ku Hogaamiyay Guul+SAWIRRO

1587

Kooxda Liverpool ayaa gaadhay guusheedii 2-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League iyaga oo guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Midtjylland.

Kulanka ayaa ahaa mid ay kooxda Midtjylland iska caabisay Liverpool oo uu Klopp is badal weyn ku sameeyay shaxdiisa waliba kaydka dhigay xiddigihiisa ugu fiican.

Kooxda Liverpool ayaa qaybti hore ee ciyaarta ku dhibaatootay in ay xita ku fashilmeen in ay goolka wax kubad ah ku laadaan.

Liverpool ayuu daqiiqadii 30-aad xaalku ku xumaaday kadib markii uu dhaawac soo gaadhay xiddiga Fabinho kaas oo lagu badalay xiddiga da’yarka ah ee Rhys Williams.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool ku dhibaatootay in wax fursado fiican sameeyaan ama goolka kubad ku laadaan.

Qaybtii dambe ayay Liverpool si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo raadinayay in ay goolal dhaliyaan ciyaartana wax ka badalaan xilli kooxda Midtjylland bar-baraha ku faraxsanayd.

Daqiiqadii 55-aad ayay Liverpool jabisay daafaca Midtjylland Kadib markii uu xiddiga Trent Alexander-Arnold si qurux badan kubad ugu keenay xiddiga Diogo Jota kaas oo gool u badalay fursadaas.

Kooxda Liverpool ayaa sii waday maamulista ciyaarta iyo waliba in ay sameeyaan fursado cajiib ah oo ah oo ay goolal ku doonayeen.

Daqiiqadii 90+1 ayay Liverpool dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Mohamed Salah kaas oo gool u badalay Rikoodhe isla isaga lagu galay isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaart oo ay Liverpool sidaas ku gaadhay guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah wareega Group-yada tartanka champions League.